DHAGEYSO:Ururka dhakhaatiirta ee KMPDU oo dhaliilay hadal ay jeedisay guddoomiyaha golaha barasaabyada

0
152

Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee KMPDU ayaa dhaliilay hadal ay shalay jeedisay guddoomiyaha golaha barasaabyada ismaamullada wadanka ee CoG Anne Waiguru.
Waxay dhakhaatiirta maalinkii 14-aad shaqo joojinta ku guda jiro ku boorrisay in ay la heshiiyaan hoggaanka ismaamullada ay ka howlgalaan haddii kale in saraakiishan tallaabo laga qaadaya.
Hasa ahaate xoghayaha ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU laantiisa gobolka Xeebta,Ghalib Salim ayaa sheegay in golaha CoG laga doonayo inuu dhaqangeliyo heshiis horay loo wada gaaray oo ku saabsanaa dallacsiin iyo howlgelinta ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee dhameystay tijaabada shaqo.
Waxaa uu tilmaamay in barasaabyada ismaamullada ay ku dhaarteen inay ilaalinayaan badqabka kenyaanka.
Xoghayaha ururka KMPDU ee gobolka Xeebta ayaa sheegay in heshiiska la gaaray sanadkii 2017-kii uu ahaa mid sidaasi awgeedna ay qalad tahay in dhakhaatiirta laga dalbado in ay la gorgortamaan hoggaanka dowlad deegaannada ay ka shaqeeyaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in aynan shaqo joojinta soo afjari doonin ilaa iyo inta laga xallinaya 19 qodob oo ay tabanayaan.