Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF iyo Japan ayaa bilaabay iskaashi cusub oo lagu horumarinayo helitaanka biyo nadiif ah, fayadhowr iyo nadaafad gudaha dalka, gaar ahaan deegaannada xuduudaha iyo xaafadaha aan qorsheysneyn ee magaalada Nairobi. Mashruucan oo socon doona saddex sano ayaa lagu fulinayaa iyadoo lala shaqeynayo dowladda waddanka, waxaana lagu adeegsanayaa tiknoolajiyada casriga ah ee biyaha iyo fayadhowrka.
Mashruuca oo ku kacaya qiyaastii 515 milyan oo shillinka dalka ah ayaa diiradda saaraya saddex dowlad deegaan oo mudnaan la siiyay kuwaas oo kala ah Gaarisa, Busia iyo Wajeer, iyo sidoo kale xaafadaha dakhligoodu hooseeyo ee caasimadda. Qorshaha ayaa xooga saarayaa joojinta saxaro furan, xoojinta awoodda bulshada ee ka hortagga musiibooyinka, iyo hagaajinta u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah.
Mashruuca ayaa sidoo kale ka shaqeynayaa hagaajinta xaruumaha biyaha iyo fayadhowrka ee iskuullada iyo xaruumaha caafimaadka, hirgelinta xalal fayadhowr oo ku saleysan suuqa, iyo tijaabooyin cusub oo biyaha miyiga ah. Waxaa sidoo kale la maalgelinayaa tababarka maamullada maxalliga ah, shaqaalaha caafimaadka iyo kooxaha bulshada si ay u maareeyaan nidaamyada cusub ee biyaha iyo fayadhowrka.
Iskaashigan ayaa sidoo kale xoojinayaa nidaamyada digniinta hore ee khataraha fatahaadaha iyo cudurrada la xiriira isbeddelka cimilada, si loo hagaajiyo dabagalka cudurrada iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee meelaha ay adag tahay in la gaaro. Barnaamijkan ayaa loo arkaa mid xoojinaya iskaashiga muddada dheer ee u dhexeeya Japan, Kenya iyo UNICEF, isla markaana lagu dhisayo mustaqbal caafimaad iyo bulsho adkaysi badan leh.
Home Wararka Kenya UNICEF oo la shaqeynaysa Japan si loo horumariyo adeegyada biyaha iyo fayadhowrka...




