Madaxweyne Ruto oo amar ku bixiyay in la jaro dhammaan fiilooyinka korontada ee sharci darrada ah ee Nairobi

0
547

Dhammaan isku xirrada koronto ee sharci darrada ah ee ka jira guud ahaan ismaamulka Nairobi, gaar ahaan deegaannada aan qorsheysnayn, ayaa la jari doonaa ka dib amar ka soo baxay Madaxweynaha dalka William Ruto, si loo xaqiijiyo caddaalad iyo in lacag bixinta korontada ay noqoto mid nidaamsan.
Madaxweynaha ayaa Talaadadii ka hadlay Aqalka Madaxtooyada, isaga oo sheegay in aan la aqbali karin in qaar ka mid ah xaafadaha ay mugdi ku jiraan sababo la xiriira habab aan caadi ahayn oo koronto loo qaybiyo.
Waxaa uu faray in meesha laga saaro isku xirrada sharci darrada ah laguna beddelo kuwo sharci ah si loo hubiyo caddaalad iyo xisaab koronto oo sax ah.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in isku xirrada sharci darrada ah ay keenayaan in dadka deggan meelahaas laga qaado lacag ka badan tan ay bixiyaan dadka kale ee Nairobi.
Hadallada madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay socdaan qorshayaal lagu hagaajinayo bixinta korontada caasimadda iyo in la ilaaliyo dadka ka dhanka ah ka faa’iidaysiga ay sameeyaan shaqsiyaad aan sharci haysan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in isku xirrada sharciyeysan ay muhiim u tahay in dhammaan dadka Nairobi ay bixiyaan qiime koronto oo isku mid ah oo la nidaamiyay.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhaliilay xaaladda nadaafadda ee Nairobi, isaga oo sheegay in Webiga Nairobi uu isu beddelay meel bulaacad u eg, islamarkaana loo baahan yahay tallaabo degdeg ah si loo soo celiyo heerka deegaanka ee magaalada.
Waxaa uu xusay in aan la aqbali karin in magaalada Nairobi ay sii ahaato magaalo wasakh badan leh, isaga oo tilmaamay in xaaladda hadda jirta ee webiga ay tahay mid aan la oggolaan karin.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa hadalladan jeediyay xilli la saxiixayay heshiis iskaashi oo muhiim ah oo la doonayo in lagu helo balaayiin shillin oo lagu horumarinayo dib u habaynta magaalada caasimadda ah.
Heshiiskaas, oo ku dhisan Qodobka 6 ee Sharciga Magaalooyinka iyo Degmooyinka, ayaa dejinaya hannaan rasmi ah oo iskaashi ah oo u dhexeeya Dowladda Qaranka iyo Dowladda Hoose ee magaalada Nairobi.
Heshiiska ayaa waxaa saxiixay madaxa Golaha Wasiirrada Musalia Mudavadi oo matalayay Dowladda Qaranka iyo Guddoomiyaha dowlad deegaanka Nairobi Johnson Sakaja, taas oo hoggaamiyayaasha ay ku tilmaameen tallaabo muhiim ah oo muddo la sugayay oo ku saabsan maamulka caasimadda dalka.