Ukraine oo weerartay gobol ka tirsan Ruushka

0
326

Dowladda Ukraine ayaa diyaarad aan duuliye lahayn ku duqeysay gobolka Tatarstan ee Ruushka.
Ilo wareed ka tirsan waaxda sirdoonka ee xukuumadda Kyiv ayaa laga soo xigtay in si gaar ah loo bartilmaameedsaday xarun aasaasi ah oo lagu sifeeyo shidaalka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka uu sababay inuu dab ka kaco goobtaasi.
Ukraine ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto bartilmaameedsiga noocani ah ilaa iyo inta laga dhimaya dakhliga Ruushka ka soo galo dhanka shidaalka.
Maamullada maxalliga ee gobolka Tatarstan ee bariga magaalada Moscow, ayaa sheegay in diyaaradaha ay duqeeyeen warshado halkaasi oo lagu dhaawacay dhowr qof.