Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in askarta Ukraine ay qabteen labo muwaadin oo Shiinees ah oo ka bar bar dagaalamayay ciidamada Ruushka, isagoo intaa ku daray in Kyiv ay ka dalban doonto Beijing sharaxaad iyo falcelin ay ka bixiyaan xulafadeeda.
Moscow iyo Beijing ayaa sanadihii la soo dhaafay muujinayay iskaashi dhan walba leh.
Ukraine iyo Rushkana waxaa ka dhaxeeya dagaal aad u xoogan ka dib markii Ruushka uu ku soo duulay Ukraine bishii Febraayo ee sanadkii 2022-kii.