Ugu yaraan 8 qof oo lagu dilay Qaza

0
349

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa Marinka Qaza maanta ku dilay in ka badan 8 qof oo Falastiiniyiin ah.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa laga soo xigtay in 24-tii saacadood ee ugu dambeeyay isbitaallada la geeyay meydadka 61 qof.
35 ka mid ah dadkan ayaa la dilay xilli ay sugayeen gargaar.
Waxaa dhanka kale la dhaawacay 363 qof oo dheeraad oo ay ka mid yihiin 304 gargaar sugayaal ahaa.
Tani ayaa tirada guud ee dadka lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii ka dhigaysa ugu yaraan 61,430 halka ay ku dhaawacmeen 153,213 kale.