Ugu yaraan 34 qof oo maanta lagu dilay Qaza

0
344

Waxaa duqeymaha ciidamada militariga ee Israa’iil ay ka wadaan Qaza maanta lagu dilay in ka badan 34 ruux.
Waxaa dadkan ka mid ah 17 qof oo sugayay in loo fidiyo gargaar baniaadannimo.
Hay’adaha samafalka ee Qaza ayaa warbaahinta u sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay in la joojiyo duqeymaha Qaza.
Waxay sheegeen in Qaza ay qarka u saaran tahay burbur aadane oo aan laga soo kaban karin.