In ka badan 34 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa maanta lagu dilay weerarrada ay Israa’iil ka wado Marinka Qaza.
Waxaa dadkan ka mid ah 15 sugayay in loo qaybiyo gargaar baniaadannimo.
Wasaradda caafimaadka ee Qaza ayaa laga soo xigtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay Israa’iil dishay ugu yaraan 111 qof oo 91 ka mid ah ay sugayeen in loo gargaaro.
Waxaa muddadan gudaheeda la dhaawacay 820 ruux oo kale.
Sidoo kale , waxaa lagu soo warramayaa in canug uu isbitaalka Nasser Medical Complex ee magaalada Khan Younis ugu geeriyooday macluul.
Tan iyo bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , waxaa Qaza gaajo ugu dhintay ugu yaraan 154 ruux oo 89 ka mid ah ay yihiin carruur.
Waxay arrintan imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda duullaanka Israa’iil ay ku nafwaayeen in ka badan 60,249 qof halka ay ku dhaawacmeen 147,089 kale.