Ugu yaraan 3 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Afghanistan

0
139

In ka badan saddex ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qarax ismiidaamin ah oo laga gaystay magaalada Kandahar ee dalka Afghanistan.
Waxaa falkaasi ku dhaawacmay ugu yaraan 12 qof oo kale.
Ciidamada booliiska iyo mas’uuliyiinta kale ee maxalliga ah ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay koox dad ah oo ku sugnaa afaafka hore ee bangi ku yaalla bartamaha magaalada Kandahar.
Waxaa qaraxan oo Khamiistii ka dhacay dalka Afghanistan mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS.