Ugu yaraan 24 qof oo lagu dilay Qaza

0
502

Ilo wareedyo caafimaad oo u warramay warbaahinta caalamiga ee Aljazeera ayaa sheegay in ciidamada militariga ee Israa’iil ay Qaza ku dileen in ka badan 24 ruux intii uu saaka waaga baryey.
Dhanka kale , dhakhaatiirta ka howlgalo isbitaallada ugu waawayn ee Qaza ayaa sheegaya in ugu yaraan 100 carruur ah oo dhashay iyagoo aan gaarin xilligii loogu talagalay ee sagaalka bilood iyo bukaan dhan 350 oo kilyaha laga sifeeyo ay geeri qarka u saaran yihiin.
Waxay tani u aaneeyeen gabaabsi dhanka shidaalka ah oo uu sababay go’odoominta ay ku howlan tahay Israa’iil.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, ugu yaraan 57,575 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza halka muddadan gudaheeda la dhaawaacay 136,879 kale sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza.