Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo bandhigay canshuuro culus oo uu saaray in ka badan 14 waddan xilli uu kor u qaaday ololihiisa cadaadiska ee uu ku doonayo inuu ku helo tanaasulaad dhanka ganacsiga ah.
Hanjabaadaha ganacsi ee ugu dambeeyay ee Trump ayaa Isniintii ogaysiis rasmi ah loogu diray 14 waddan, oo ay ku jiraan xulafada Mareykanka ee Japan iyo Kuuriyada Koonfureed iyaga oo lagu wargeliyay in ay wajihi doonaan canshuuraha 25 ilaa 40 boqolkiiba laga bilaabo 1-da bisha August ee sanadkan.
Trump ayaa dalalka u sheegay arrinta kaliya ee lagu joojini karo canshuuraha ayaa ah inay badeeco badan ka iibsadaan Mareykanka ayna kor u qaadaan wax soo saarka Mareykanka.
Warqado isku mid ah oo uu u diray hoggaamiyayaasha waddamada, Trump ayaa waxaa uu ku sheegay in xukuumadiisa ay go’aansatay inay horay u sii wado xiriirkooda balse kaliya xiriirkaas uu wanaagsanaan karaa hadii la helo xiriir ganacsi oo dheeli tiran.
Trump ayaa ka digay in canshuur kasta oo aargoosi ah ay la kulmi doonto talaabooyin inta ka sareeyo.
Isagoo la hadlayay saxaafada galinkii dambe ee Isniintii, Trump ayaa waxaa uu sheegay in 1-da Agoosto ee kama dambaysta ah ay tahay talaabo adag.