Trump oo sheegay inaysan doorasho ka dhici doonin Venezuela muddo 30 maalmood gudaheed ah

0
342

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Isniintii sheegay in Venezuela aysan qaban doonin doorashooyin 30-ka maalmood ee soo socda.
Arrintan ayaa kusoo beegmatay labo maalmood kaddib markii Madaxweyne Nicolas Maduro laga kaxeeyay caasimadda Caracas.
Trump ayaa magacaabay xubno ka tirsan kooxdiisa, oo ay ku jiraan Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, Xoghayaha Gaashaandhigga Pete Hegseth, Taliye Ku xigeenka Shaqaalaha Aqalka Cad Stephen Miller, iyo Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance, kuwaas oo ka qayb qaadan doona kormeerka faragelinta Mareykanka ee Venezuela.
Sidoo kale, maamulka Trump ayaa qorsheynaya in la taageero maalgashiga shirkadaha saliidda Mareykanka si dib loogu dhiso kaabayaasha tamarta ee Venezuela, waxaana la filayaa in howshan lagu dhameystiri karo wax ka yar 18 bilood, iyadoo la adeegsanayo kharash badan oo shirkadaha saliidda ay bixiyaan, lagana magdhabo dakhliga ama lacag ay bixiso dowladda Mareykanka.
Trump ayaa sidoo kale beeniyay in Mareykanka uu ku jiro dagaal rasmi ah oo lala galay Venezuela, isagoo cadeeyay in diiradda lagu hayo kooxaha daroogada iyo dadka dambiilayaasha ah ee ka yimaada meelo kale oo saameeya dalkiisa.
Trump ayaa sheegay in Delcy Rodriguez oo loo dhaariyay inay noqoto madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Venezuela ay la shaqeynayso mas’uuliyiinta Mareykanka, iyadoo la siinayo Mareykanka marin buuxa, gaar ahaan xagga saliidda Venezuela, si maamulka cusub uu u fududeeyo howlgallada dib u dhiska tamarta iyo kaabayaasha dalka.
Dhanka kale, Rodriguez ayaa dalbatay in si degdeg ah loo sii daayo Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores, iyadoo ku tilmaantay Maduro “madaxweynaha keliya ee Venezuela” isla markaana falka Mareykanka ku tilmaantay “weerar ba’an” oo ka dhan ah dalkooda.