Trump oo Ruushka ugu hanjabay canshuuro dheeraad ah hadii heshiis laga gaari waayo dagaalka

0
398

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay heshiis uu hub badan ku siinayo dalka Ukraine, wuxuuna ku hanjabay inuu canshuuro culus ku soo rogi doono Ruushka haddii aan heshiis nabadeed lagu gaarin 50 maalmood gudahood.
Ku dhawaaqista Isniintii ayaa ku soo beegantay toddobaadyo ka dib markii Pentagon-ka uu ku dhawaaqay inuu joojinayo shixnadaha hubka ee Ukraine.
Laakiin Trump ayaa si isa soo taraysa uga carooday madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuuna rajaynaya in hubku uu gacan ka gaysto soo afjarida degdega ah ee duulaanka Ruushka ee saddexda sano ka badan ee uu ku hayo Ukraine.
Isagoo la fadhiyay Xoghayaha Guud ee gaashaan buurta NATO Mark Rutte Trump ayaa u sheegay warbaahinta inuu ka niyad jabay Putin, balaayiin doolar oo hubka Mareykanka ah uu geyn doono Ukraine.
Hubkan ayaa waxaa ku jiri doona gantaalada difaaca hawada ee loo yaqaano Patriot oo Ukraine ay si degdeg ah u codsatay.
Inta uu socdo dagaalka, waddamada reer galbeedka ayaa jaray inta badan xiriirkii dhaqaale ee ay la lahaayeen Xukuumadda Moscow, balse waxaa au ka gaabsadeen inay qaadaan tillaabooyin xaddidaya in Ruushka uu shidaalkiisa ku iibiyo meelo kale. Taasi ayaa waxaa ay u ogolaatay Xukuumadda Moscow in ay sii wado kasbashada boqollaal bilyan oo doolar oo ay ka hesho maraakiibta shidaalka ka iibsada ee Shiinaha iyo Hindiya.
Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Trump uu ula jeeday canshuuraha 100 la saari doono badeecadaha Ruushka uu soo iibsado iyo sidoo kale cunaqabateynta labaad ee la saari doono dalalka Ruushka ka iibsada badeecooyinka.