Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Israa’iil ugu baaqay in ay meesha ka saarto dacwad la xiriirta musuqmaasuq oo ka dhan ah ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.
Waxaa uu qoraal ku sheegay in dacwaddaasi la baajiyo mise in ra’iisul wasaaraha cafis loo fidiyo.
Kiiskan ayuu Donald Trump ku tilmaamay bartilmaameedsi.
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii Netanyahu lala xiriiriyey laaluush qaadasho, khiyaano iyo ku xadgudubka kalsoonida.
Waxaa dacwadahan dhageysigooda la billaabay sanadkii 2020-kii in kastoo uu ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iska fogeeyay eedeymaha saddexda ah ee loo jeediyay.