Trump iyo Iran oo Isku Khilaafay Mustaqbalka Heshiiska Xabbad-joojinta

0
191

Iran ayaa sheegtay inay weli u hoggaansan tahay heshiiskii xabbad-joojinta ee ay la gashay Mareykanka, kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu mar kale sheegay in heshiiskaasi uu dhammaaday, inkastoo uu muujiyay inuu diyaar u yahay in wada-hadallada la sii wado.
Trump ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social ku sheegay in Iran ay codsatay in wada-hadallada la sii ambaqaado, balse Mareykanku uu u sheegay in heshiiskii xabbad-joojinta uu dhammaaday.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in Tehran ay ka dhabeysay dhammaan ballanqaadyadii saarnaa, isagoo ku eedeeyay Mareykanka inuu jebiyay qaar ka mid ah qodobadii ku jiray heshiiskii is-afgaradka ee labada dhinac.
Sida uu dhigayo heshiiska, Iran waxay sii wadaysay xaaladdii hore ee barnaamijkeeda nukliyeerka, halka Mareykankuna uu ballanqaaday inuusan soo rogin cunaqabateynno cusub ama uusan ciidamo dheeraad ah u dirin gobolka.
Labada dal ayaa yeeshay wada-hadallo toos ah iyo kuwo dadban, hase yeeshee ilaa iyo hadda ma jiro horumar muuqda oo laga gaaray dadaallada diblomaasiyadeed.