Waxaa isa soo taraya baaqyada ku aaddan in gargaar baniaadannimo oo dheeraad ah la geeyo Qaza.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo wasaaradda caafimaadka ee Qaza oo bayaan soo saartay ay sheegtay in ilaa iyo hadda ay halkaasi nafaqo darro iyo fuuq-bax ugu geeriyoodeen 20 ruux.
Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay inay rumeysan tahay inay jiraan shakhsiyaad dheeraad ah oo iyagoo aan laga war qabin Qaza ugu dhimanaya macluul.
Dhanka kale dowladda Koonfur Afrika ayaa maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ ka dalbatay inay qaaddo tallaabooyin dheeraad ah.
Waxay doonaysa in maxkamaddu ay amarto in ay Qaza si degdeg ah uga dhaqan gasho xabbad joojin.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 30,717 qof oo Falastiiniyiin ah halka 72,156 kalena la dhaawacay.