Tirada dadka ku dhintay shilkii Kericho oo gaartay 52 qof

0
472

Waxaa sare u sii kacday tirada dhimashada ka dhalatay shilkii ka dhacay ismaamulka Kericho.
Ugu yaraan 52 qof ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay inay dhinteen halka 32 kalena la dhigay xarumaha caafimaadka kuwaas oo qabo dhaawacyo kala duwan.
Shilka ayaa xalay fiidkii laga soo tabiyay isgoyska deegaanka ee hoose Londiani ee deegaan baarlamaaneedka bariga Kipkelion ee ismaamulka Kericho.
Waxaa uu shilkan yimid ka dib markii wadihii uu lumiyay koontaroolka gaari xamuul ah, kaasi oo jiiray dad lugeynayay, dad ganacsato ah iyo gawaari kale oo taagna hareeraha waddada.
Gaariga xamuulka ah ayaa jiiray afar Mataatu ah, labo gaari oo xamuul ah, gaari yar, bas iyo dad lugeynayay hareeraha waddada.
Waxaa gaariga xamuulka ee sababay shilka uu ku sii jeeday Kericho ka hor inta uusan ka baxin waddada, isagoo sidoo kale jiiray tobanaan ka mid ah dadka waratada ah oo ku ganacsanayay hareeraha waddada isku xirta Nakuru iyo Kericho.
Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Kipchumba Murkomen oo saaka gaaray goobta shilka laga soo tabiyay ayaa sheegay inay socdaan dadaallo samatabixin ah oo ay ka qayb qaadanayaan saraakiil ka kala socota hay’adaha kala duwan ee dowladda dhexe, kuwa ismaamulka Kericho iyo hay’adda laanqeyrta Cas ee Kenya ee Red Cross.
Waxaa uu intaasi ku daray inay baaritaano lagu ogaanaya waxa sababay shilka ay socdaan haatan.

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dalka uu galay xaalad murugo ah, ka dib markii ay shil baabuur ku dhinteen in ka badan 50 ruux.
Waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in qaar ka mid ah dadka dhintay ay yihiin dhallinyaro mustaqbal rajo leh iyo dad ganacsato ah oo ku jiray howl maalmeedkooda
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa caafimaad degdeg ah u rajeeyay dhammaan inta dhaawacantay.
Waxaa uu ku boorriyay wadayaasha baabuurta inay aad uga taxadaraan waddooyinka, gaar ahaan marka ay roobabku da’yaan.