Tanzania ayaa qaaday xayiraadii saarneyd wax soo saarka beeraha ee Malawi iyo Koonfur Afrika, maalmo kadib markii ay soo rogtay ammaraddan iyada oo ka aargoosanaysa tillaabooyin la mid ah oo ay soo rogeen labada waddan ee koonfurta Afrika.
Agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimaadka Dhirta iyo Sunta cayayaanka ee Tanzania (TPHPA), Joseph Ndunguru, ayaa sheegay in Tanzania ay si degdeg ah u qaadayso xayiraadda si ay u oggolaato “wadahadal diblomaasiyadeed.”