Shil gaari oo ka dhacay Vancouver oo dad ku dhintay

0
274

Dad aan wali qiyaastooda la shaacinin ayaa ku dhintay halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen magaalada Vancouver ka dib markii nin darawal ah uu gaarigiisa ku jiiray dad isugu soo bahay xaflad lagu qabanaayay waddooyinka magaalada oo ku taallo Galbeedka Canada, sida ay booliiska sheegeen.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in shilka uu dhacay 8:00 fiidnimo ee Sabtida saacada maxalliga ah iyaga intaas ku dharay in darawalkii gaariga xabsiga loo taxaabay.
Mayarka magaalada Vancouver Ken Sim iyo Raa’iisul Wasaaraha Canada Mark Carney ayaa arrin laga xumaado ku tilmaamay dhacdadan.
Waxaa ay tacsi u direen ehelaadii dadka uga geeriyooday falka halka kuwa dhaawacane ay caafimaad degdeg ah u rajeyeen.