Taliyaha guud ee booliiska oo u yeeray saraakiisha fasaxa ku jira

0
324

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ayaa saraakiisha ammaanka ee fasaxa ku jira ku wargeliyay inay shaqooyinkooda dib ugu soo laabtaan.
Go’aankan ayuu u aaneeyay in ciidamada aan looga maarmin sugidda amniga iyo sameynta roondooyinka xilli fasaxeedka Christmas.
Koome ayaa maanta xarunta dhexe ee booliiska dalka ee magaalada Nairobi ka sheegay in laamaha ammaanka ee wadanka ay heegan sare ku jiraan si loo hubiyo badqabka kenyaanka.
Waxaa uu xusay in saraakiisha fasaxa ku maqan laga doonayo inay goobahooda shaqo sida ugu dhakhsiyaha badan iskaga xaadiriyaan.
Taliyaha guud ee booliiska Kenya ayaa dhanka kale dadweynaha ku borrriyay inay aad u feejignaadaan oo ay laamaha ammaanka ku soo wargeliyaan waxyaabaha ay ka shakiyaan.
Koome ayaa tilmaamay in qofka uu warbixinta geyn karo saldhigga booliiska ee ugu dhow ama inuu la xiriiro nambarrada tooska ah ee booliiska.
Taliyaha guud ee booliiska dalka ayaa dhanka kale gaadiidleyda kula taliyay inay si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarka taraafikada si looga hor tago shilalka oo xilligan oo kale sare u kaca.