Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Mr. Douglas Kanja ayaa booqasho ku tagay ismaamulka Marsabit.
Tani ayaa timid ka dib markii 10-kii bishan la soo tabiyay in 5 qof ay ku dhinteen goobta dahabka laga soo saaro ee aagga Dabel ee dowlad deegaankaasi iyadoo dhowr kalena ay halkaasi ku xannibmeen.
Mr. Kanja ayaa wada hadallo la yeeshay mas’uuliyiinta maxalliga iyo saraakiisha ammaanka.
Waxaa loo xaqiijiyay in aynan jirin warbixinno ku aaddan in ay dad dhinteen mise la waayay kuwaasi oo lala soo wadaagay laamaha ammaanka.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa intaasi ku daray in weli uu shaqeynaya amarkii ay dowladdu ku xirtay meelaha dahabka laga soo saaro ee Dabel ee ismaamulka Marsabit.
Mr. Kanja ayaa dadweynaha u xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay badbaadinta nolosha shacabka.