Kooxda Taalibaan ee dalka Afghanistan ayaa u dabbaal degaysa saddex sano oo ka soo wareegatay tan iyo markii ay qabatay hoggaanka waddankaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu qabsoomay dhoollatus militari oo ay kooxdan ku soo bandhigtay saanadda ciidan ee bambooyinka iyo diyaaradaha dagaalka.
Dibloomaasiyiin dhowr ah oo ka tirsan dalalka Shiinaha iyo Iiraan ayaa xafladaasi ka qayb galay.
15-kii bishii Siddeedaad ee sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii ay Taalibaan la wareegtay gacan ku haynta magaalada Kabul ee Afghanistan .
Tallaabadaasi ayaa timid ka dib markii uu burburay maamulkii dalkaasi ee uu taageerayay Maraykanka oo ay madaxdiisi Afghanistaan iskaga carareen.