Milatariga Suudaan ayaa beeniyay sheegashada uu madaxa milatariga Itoobiya ku sheegay in Khartuum ay taageerto kooxaha mucaaradka Itoobiya, iyagoo ku tilmaamay eedeyntaas mid “aan sal iyo raad lahayn.”
Bayaan ay soo saareen Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan ayaa lagu sheegay in Suudaan ay weli u hoggaansan tahay sharciga caalamiga ah isla markaana aysan faragelin arrimaha gudaha ee dalalka kale. Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegeen inaysan oggolaan doonin wax khatar gelinaya madaxbannaanideeda ama amniga qarankeeda.
Milatariga Suudaan ayaa dhankooda ku eedeeyay in dhulka Itoobiya laga sii wado taageerada loo fidiyo ciidamada gurmadka degdegga ah ee RSF, taas oo ay ku jiraan tababar, sahay iyo hawlo milatari oo la xiriira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee riddada dheer iyo kuwa hal-mar loo adeegsado weerarrada.
Waxay Addis Ababa ugu baaqeen inay khilaafaadka ku xalliso wada-hadal iyo habab rasmi ah, iyadoo laga duulayo danta xasilloonida labada dal iyo gobolka oo dhan.
Madaxa Taliska Guud ee Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula, ayaa hore ugu eedeeyay Suudaan, Masar iyo dhinacyo kale inay taageerayaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda Itoobiya.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dhinacyo shisheeye ay taageerayaan isbahaysi ay ku jiraan kooxo hubeysan iyo kuwo siyaasadeed. Waxa uu ku dooday in Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo Eritrea ay khatar ka yar keeni lahaayeen haddii aysan helin taageero dibadeed.
Hadalladiisa ayaa yimid xilli xiisadaha waqooyiga Itoobiya ay dib u soo cusboonaadeen, iyadoo dagaalladu ay sii xoogeysanayaan oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo TPLF iyo kooxaha ay xulafada yihiin.




