Hoggaamiyayaasha siyaasada ayaa looga digay inay wiiqaan awooda guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC, iyadoo Maxkamadda ugu Sareeysa ay carabka ku dhufatay in isku dayada lagu wiiqayo guddiga ay halis galinayaan kalsoonida shacabka ee dhex dhexaadnimada iyo hufnaanta hanaanka doorashada.
Maxkamadda ayaa waxaa ay ku boorisay siyaasiyiinta inay ka fogaadaan raadinta faa’iidooyinka muddada gaaban ee wax u dhimaya madax bannaanida hay’adaha, taas beddelkeedana ay diiradda saaraan kor u qaadista isla xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka doorashada.
7-da garsoore ee maxkamadda ayaa waxaa ay ka digeen in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee IEBC u wiiqa dano siyaasadeed oo gaaban ay wiiqaan hay’adaha dastuuriga ah ee ay waajibka ku tahay inay ilaaliyaan. Hoggaamiyayaasha ayaa taas badalkeeda laga doonaaya inay wax ka qabtaan daciifnimada qaabdhismeedka guddiga, korna u qaadaan isla xisaabtanka, oo ay xoojiyaan kalsoonida shacabka ee dhexdhexaadnimada iyo kartida guddiga.
Home Wararka Kenya Supreme Court oo uga digtay hoggaamiyeyaasha siyaasadda in wiiqitaanka IEBC ay khatar...