Mudanayaasha baarlamaanka ee ka tirsan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja-One Kenya ayaa ku gacan seyray soo jeedinta ku aaddan in mushaar kordhin loo sameeyo saraakiisha sare ee dowladda taasoo uu maalmo ka hor soo bandhigay guddiga jaangooya mushaaraadka iyo gunnooyinka ee SRC.
Guddiga ayaa qorshahan ku saleeyay in mas’uuliyiintan looga fududeynaya saameynta ka dhalan karta canshuurta la kordhiyay ee xeerka maaliyadda ee Finance Act 2023.
Hasa ahaate madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka dalka Opiyo Wandayi, ayaa xusay in SRC aynan tixgelin dhibaatooyinka ay kenyaanka caadiga ah kala kulmayaan xaaladaha adag ee dhaqaalaha.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in isbeheysiga Azimio uu si buuxda uga soo horjeedo qorshahan.
Xildhibaanka ayaa ku taliyay in lacagtan loo adeegsado badbaadinta shacabka sida uu qoraalka u dhigay.
Mudanaha deegaan baarlamaneedka Galbeedka Suna ee ismaamulka Migori ,Peter Masara ayaa dhankiisa maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ku dhaliilay inuu xildhibaannada ku soo jiidanaya mushaar kordhin balse aynan diyaar u ahayn arrinkan iyadoo shacabka ay matalaan ay wajahayaan culeysyo nololeed.




