Siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan sababo ay sheegayaan in loo cuskan karo in xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweynaha dalkaasi Joe Biden oo ka tirsan garabka dimuqraadiga.
Hasa ahaate ma cadda in ay u ololeyn doonaan in codka kalsoonida lagala laabto Biden iyo in kale.
Warbixintan oo ka kooban 291 bog ayaa Biden ku eedeynaysa inuu sameeyay qorsho uu ku taajiraya shakhsi ahaan sidoo kalena xubnaha qoyskiisa ay saameyn ugu yeelanayaan ganacsiyada dibadda laga soo billaabo xilligii uu madaxweyne ku xigeen ahaa.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo uu horay kuwo siyaasadeysan ku tilmaamay eedeymaha ka dhanka ah Biden.




