Sirdoonka Mareykanka oo dilay nin soo galay dhismaha guriga Trump

0
115

Sirdoonka Mareykanka ayaa dilay nin soo galay dhismaha guriga Trump ee Mar-a-Lago
Madaxweyne Donald Trump ayaa ka maqnaa guriga Mar-a-Lago isagoo joogay Washington kaddib markii nin soo galay ay toogteen ciidamada.
Dhowr jeer ayaan aaday Mar-a-Lago mar waxay aheyd bishii Desember marna Janaayo ayuu yiri Trump.
Aad ayaa loo adkeeyay ammaanka guriga iyo dhammaan hareeraha. Waxaana jooga ciidamo kuwa ammaanka ah ee sirdoonka. Marka la galayo guriga, gawaarida iyo dadkaba waa la baraa iyadoo la adeegsanayo eeyo iyo qalabka biraha lagu ogaado.
Weli wax badan lagama oga ninka la tuhumay iyo waxa keenay in uu soo aado guriga madaxweyne Trump.