Waaxda difaaca dalka ee KDF-ta ayaa koox u saartay in ay baaritaan qoto dheer ku sameyso shilkii diyaaradeed ee ay ku geeriyoodeen taliyihii guud ee ciidanka militariga wadanka Francis Ogolla iyo 9 sarkaal oo kale.
Diyaaradii sidday saraakiishan oo ahayd nooca qummaatiga u kacda ee Helikobtarka ayaa soo dhacday oo burburtay abaare 2:20 galabnimo ee shalay wax yar un ka dib markii ay duushay.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in ciidamada ilaaliya hawada qaranka ay hoggaamin doonaan baaritaanka dhacdadaasi la xiriira.
Waxaa la isku dayaya in la ogaado sababta keentay shilkaasi.
Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyay geerida General Francis Ogolla iyo saraakiisha kale ayaa sheegay in ay shalay ka ambabaxeen magaalada Nairobi si ay u booqdaan ciidamada fulinaya howlgalka ka dhanka ah kooxaha burcadda ee Waqooyiga gobolka Rift Valley.