Sheekh Aadan Madoobe oo qaatay shahaadada xildhibaanimada

0
1061

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa noqday mudanihii ugu horreeyay ee qaatay shahaadada xildhibaanimada ee golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya ee galay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Isaga oo ka hadlayay shir jaraa’id, ayuu sheegay in xildhibaanada Koonfur Galbeed lagu cadaadinayo in aysan qaadanin shahaadada, isaga oo arrintaas ku tilmaamay mid meel looga dhacayo karaamada xildhibaanimada.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa xildhibaanada ugu baaqay in ay qaataan shahaadooyinka si doorashadii daahday loo dardar galiyo.
Waxaa sidoo kale shahaadada qaatay mudane Xildhibaan Shariif Cabdalla oo isna kasoo galay Koonfur Galbeed.