Senatarka ismaamulka Makueni ,Dan Maanzo ayaa dhaliilay soo jeedin ka timid mudanaha deegaan baarlamaneedka Waqooyiga Mbeere ee ismaamulka Embu , Geoffrey Ruku taasoo lagu doonaya in lagu xakameeyo dibadbaxyada lagu qabto gudaha wadanka.
Xildhibaanka ayaa soo saaray hindise sharciyeed waxyaabaha ku xusan ay ka mid tahay in qaban qaabiyeyaasha mudaaharaadyada lagula xisaabtamo haddii falalkan ay ka dhashaan dhimasho iyo burburin hantiyadeed.
Hasa ahaate senatarka Makueni oo u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa hoosta ka xarriiqay in tani ay ka turjumaysa keli talisnimo.
Waxaa uu intaasi ku daray in haddii soo jeedintan la tixgeliyo ay fursad siinaysa saraakiil ka tirsan booliiska oo horay loogu eedeyay inay waxyeello gaarsiiyeen shacab ka qayb qaadanayay dibadbaxyo.
Dan Maanzo ayaa sheegay inay jiraan xeerar dastuuri ah oo lagu maareeyo dembiyada ka dhasha mudaaharaadyada.
Hasa ahaate mudanaha Waqooyiga Mbeere oo doodda qayb ka ahaa ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo xeerarkii la soo saaray sanadkii 2010-kii.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya uu shaaciyay inuu dibadbaxyo qaran billaabi doono 7-da bisha Toddobaad ee sanadkan iyagoo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan ansixinta hindise maaliyadeedka sanadkan ee uu maalmo ka hor saxiixay madaxweynaha dalka William Ruto.




