Senatarka Busia oo wacad ku maray inuu dacwad ka gudbinaya maamulka EPRA

0
215

Senatarka ismaamulka Busia sidoo kalena ka mid ah shakhsiyaadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul aadanaha Okiya Omtatah ayaa wacad ku maray inuu maxkamadda geyn doono dacwad ka dhan ah maamulka maareeya adeegyada tamarta iyo batroolka ee dalka ee EPRA.
Waxaa uu maamulkan ku eedeynaya inuu dafiray amarkii ay maxkamadda sare ee dalka ku hakisay dhaqangelinta xeerka maaliyadda ee Finance Act 2023.
Omtatah ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay inuu agaasimaha guud ee EPRA Daniel Kiptoo ku wargeliyay qorshihiisa haddii aynan ka laaban tallaabada ay boqolkiiba 16 ku kordhiyeen qiimaha shidaalka.
Amarka maxkamadda ayaa soo baxay Jimcihii balse maamulka EPRA ayaa isla maalinkaasi ku tallaaba qaaday qorshihii maaliyadeed ee uu 26-kii bishii hore qalinka ku duugay madaxweynaha dalka William Ruto.
Garsoore Mugure Thande ayaa ku dhawaaqay amarka maxkamadda ee si ku meel gaar ah loogu hakiyay canshuurta dheeraadka ah.
Waxaa uu xaakinka dowladda dhexe u qabtay 4-ta bishan oo berri ku beegan si ay uga jawaabto dacwadda ka dhanka ah ee uu gudbiyay senatarka Busia.
Canshuurta laga qaado badeecooyinka shidaalka oo horay ahayd boqolkiiba 8 ayaa laga dhigay boqolkiiba 16 tani oo ay walaac ka muujinayaan gaadiidleyda dalka.