Sarkaal militari oo ku eedeysan dil oo xabsiga ku sii jiri doono

0
238

Maxkamadda ismaamulka Nakuru ayaa u oggolaatay dacwad oogayaasha dalka in ay muddo shan maalmood ah xabsiga ku sii hayaan sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada miltariga ee waddanka.
Waxaa uu ku eedeysan yahay in uu qof rayid ah ku dilay saldhigga booliiska ee Githioro ee deegaanka Bahati ee ismaamulka Nakuru.
Jackson Okeyo oo ah sarkaal ka tirsan waaxda dambi baarista ayaa maxkamadda ka codsaday in John Kimani Muturi lagu sii hayo xabsiga muddo 14 maalmood si loo soo gabagabeeyo baaritaannada ka dhanka ah.
Muturi ayaa lagu eedeeyay in uu weerarray Moris Gachanja oo ahaa 74 sano jir ah maalinkii Christmas-ka xilli ay ku caweeynayeen makhaayad ku taalla saldhigga booliiska ee Githioro.
Okeyo ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo in baaritaan dheeraad ah ku sameeyo taleefoonnada Muturi si loo soo saaro xogaha ay ka midka tahay wicitaanadii uu sameeyay.
Qareenka Muturi, Harry Gakinya ayaa ka soo horjeestay codsiga dacwad oogayaasha isagoo sheegay in wixii macluumaad ah oo la xiriira kiiska laga wareysto booliiska joogay saldhigga Githioro maalintii uu falka dhacay.
Garsooraha sare ee maxkamadda Nakuru Vincent Adet ayaa u oggolaaday dacwad oogayaasha shan maalmood si ay u soo gabagabeyaan baaritaankooda.
Kiiskan ayaa la dhageysan doona 3-da bisha Koowaad ee sanadka soo socda.