DHEGEYSO:Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Kenya oo ku dhintay dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine

0
403

Saddex maalmood ka dib markii Ruushku uu iska fogeeyay inuu Kenya ka qorto ciidamo uga qeyb qaataa hawlgalka gaarka ah ee militariga ee Ukraine, ayaa waxaa soo baxday in sarkaal ka tirsan cutubka adeegga guud ee dalka oo lagu magacaabi jiray Peter Maina Gakau uu geeriyooday ka dib markii uu u dagaalamay militariga Ruushka.
Qoyskiisa ayaa doonaya in dawladdu ay gacan ka geysato raadinta meydka sarkaalka, oo looga shakisan yahay in lagu dilay dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.