Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee ismaamulka Nairobi ayaa dib u soo helay 354 oo ah taleefoonada gacanta oo horay loo dhacay.
Tani ayaa timid ka dib markii ay ciidamada howlgal ballaaran ka fuliyeen xaafadda Kayole .
Waxaa howlgalkan galinkii hore ee shalay fuliyay saraakiisha ka shaqeeya saldhigga booliiska ee Kayole .
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada lagula tacaalaya falalka dhaca taleefoonada gacanta oo ku soo batay magaala madaxda wadanka.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in taleefoonada laga dhex helay baabuur ay taargadiisu tahay KAZ 505F oo ah nooca Toyota Premio .
Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay eedeysane lagu magacaabo Dennis Kioko Mutua .
Tuhmanaha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska ee Kayole ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.
Dhawaan ayay ahayd markii howlgal kale oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka ee ismaamulka Nyeri lagu soo helay 417 oo ah taleefoono horay loo xaday.




