Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilka guddoomiyaha guddiga mushaaraadka iyo gunnooyinka ee (SRC) u magacaabay Sammy Chepkwony.
Shakhsigan ayaa leh in ka badan 30 sano oo ah waayo aragnimo dhanka shaqaaleysiinta ah.
Chepkwony ayaa horay jagooyin sare uga soo qabtay shirkado iyo maamullo waawayn sida shirkadda qaran ee duullimaadka ee Kenya Airways, shirkadda Price WaterhouseCoopers (PWC) iyo Jaamacadda Aga Khan University.
Sammy ayaa haysta shahaadooyinka Masters iyo Degree-ga oo uu ka qaatay jaamacadda Nairobi iyo takhasuska arrimaha shaqaalaha ee (CHRP).
Sidoo kale madaxweyne William Ruto ayaa xubnaha guddiga jaangoynta mushaaraadka iyo gunnooyinka ee SRC u magacaabay Martin Kizito Ong’oyi, Maxamad Aden Cabdi oo matalaya dowladaha ismaamullada , sidoo kale wakiillada guddiga adeegga macallimiinta ee TSC, Dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU ,xiriirka shirkadaha dadka shaqaaleysiiya ee Kenya ee FKE iyo kuwo kale.
Haddii uu baarlamaanka ansixiyo magacaabidda Sammy Chepkwony waxaa uu beddeli doonaa Lyn Mengich oo uu gabagabo yahay muddo xileedkeeda soo billowday bishii 8-aad ee sanadkii 2018-kii.
Dhanka kale , madaxweyne William Ruto ayaa guddoomiyaha guddiga qaabilsan xaqiijinta maamulka cadaaladeed ee CAJ u magacaabay Mr. Charles Orinda Dulo.
Charles ayaa ah qareen ka howlgalo maxkamadda sare ee dalka wuxuuna leeyahay in ka badan 20 sano oo khibrad shaqo ah.
Sidoo kale , wakiilkii hore ee haweenka ee ismaamulka Isiolo Rehema Dida Jaldesa ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddiga qaran ee jinsiyadda iyo sinnaanta ee NGEC.