Sahan: Muwaadiniinta Maraykanka oo isu diyaarinaya qalalaase iyo xiisado hor leh oo ka dhaca Bariga Dhexe.

0
103

Shan bilood kadib markii uu billowday dagaalka Maraykanka iyo Iiraan, dadka Maraykanka ah ee aaminsan in Bariga Dhexe uu ku sii siqayo qalalaase ayaa saddex jibbaar ka badan kuwa rumaysan in dagaalku gobolka u horseedi doono xasillooni dheeraad ah, sida lagu sheegay sahan cusub oo ay sameeyeen Reuters/Ipsos.
Sahanka oo socday lix maalmood ayaa la soo gabagabeeyay Isniintii, xilli Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu mar kale ka laabtay hanjabaaddii ahayd “weerarro waaweyn” oo ka dhan ah Iiraan, taas oo muujinaysa hubanti la’aanta weli ku xeeran dagaalka uu markii hore saadaaliyay inuu keeni doono guul degdeg ah.
Boqolkiiba 50 dadka ka qaybgalay sahanka ayaa sheegay inay rumaysan yihiin in tallaabada militari ee Maraykanku ka qaaday Iiraan ay xasillooni-darro ku abuuri doonto Bariga Dhexe sannadka soo socda.
Tiradaasi waxay ku dhowaad saddex jibbaar ka badan tahay boqolkiiba 17 ee sheegay in dagaalku uu gobolka u keeni doono xasillooni dheeraad ah.
Boqolkiiba 16 kale ayaa sheegay in heerka xasilloonidu uu ahaan doono sidii hore, halka boqolkiiba 17 ay sheegeen inaanay hubin ama aanay ka jawaabin su’aasha.
Dadka Maraykanka ah ayaa sidoo kale muujiyay walaac ku saabsan qiimaha shidaalka, kaas oo sare u kacay iyadoo Iiraan ay carqaladaysay isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah sahayda shidaalka adduunka.
Qiyaastii boqolkiiba 58 ayaa sheegay inay filayaan in qiimaha shidaalku sii xumaan doono, halka boqolkiiba 15 oo keliya ay filayaan inuu hagaagi doono.