Sacuudiga oo tiradii ugu badneed oo dad ajaaniib ah dil ku fulisay.

0
402

Hay’adda xuquuqul aadanaha ee Amnesty International, ayaa warbixin ay soo saartay shalay oo Isniin ahayd ku sheegtay in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay sanadihii u dambeeyay dil ku fulisay dad badan oo ajnabi ah oo ay ku jiraan Soomaali, gaar ahaan dambiyada la xiriira daroogada.
Sacuudi Carabiya ayaa xukun dil ah ku fulisay 345 qof sanadkii la soo daafay tanoo ah tiradii ugu badneyd ee Amnesty laga diwaan geliyo 30-kii sano ee la soo dhaafay.
Hay’adda xuquuqul insaanka u doodda ayaa sheegtay in lixdii bilood ee la soo dhaafay oo kaliya xukun dil ah lagu fuliyay 180 qof.
Dowladda Sacuudiga ayaa xukun dil ah ku fulisay 1,816 qof intii u dhaxeysay Janaayo 2014-kii iyo bishii hore ee June 2025, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalkaas.
Saddex meelood hal meel dilalka uu Sacuudiga fuliyay ayaa la xiriira dambiyada daroogada sida ay warbixinteeda shaaca uga qaaday Amnesty iyadhoo intaa ku dartay in dambiyadan aysan mutaysan dil marka loo eego sharciyada caalamiga ah.
Bishii hore ee June kaliya Sacuudiga ayaa dil ku fuliyay 46 qof oo 37 ka mid ah dadkaas lagu helay dambiyo la xiriira daroogada.
Amnesty ayaa sheegtay in 34 ka mid ah dadkaas ay dhalasha ahaan ka soo jeedaan dalalka Masar, Itoobiya, Jordan, Nigeria, Pakistan, Soomaaliya iyo Suuriya.