Sacuudiga oo taageero dhaqaale siiyay hay’adda qaxootiga Falastiin

0
415

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta deeq lacageed oo gaaraysa 27 milyan oo doolar siisay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha samafalka ee qaxootiga dalka Falastiin.
Lacagtan ayaa loo adeegsan doonaa in lagu fududeeyo howlaha hay’adda UNRWA.
Heshiiskan waxaa gaaray safiirka Sacuudiga ku matalo Jordan Nayef Al-Sudairi, ku xigeenka xoghayaha guud ee hay’adda UNRWA Philippe Lazzarini iyo Dr. Axmad Abu Holie oo xubin ka ah guddiga fulinta ee hay’adda xoreynta Falastiin sidoo kalena hoggaamiya waaxda arrimaha qaxootiga.
Sacuudi Carabiya ayaa horay u ballanqaaday deeqdan oo adeegyada muhiimka ah loogu fidinaya 5.6 milyan oo ka mid ah qaxootiga wadanka Falastiin.