Ruushka oo Weerar Culus ku Qaaday Kyiv, Mareykanka iyo Ukraine oo Degdeg ugu Kulmaya Switzerland

0
279

Ruushka ayaa habeenkii Khamiista Ukraine ku qaaday weerarro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka, kuwaas oo dhaawacay ugu yaraan siddeed qof, ka hor kulanka heer sare ee ugu dambeeyay ee u dhexeeya Xukuumadaha Kyiv iyo Washington oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka, oo hadda galay sannadkiisii shanaad.
Duqa magaalada Kyiv, Vitali Klitschko, ayaa sheegay in weerarradan caasimadda ay saameeyeen dhismo sagaal dabaq ah, sidoo kalena ay gubeen guryo kale oo magaalada ku yaalla.
Tymur Tkachenko oo ah madaxa maamulka militari ee magaalada, ayaa sheegay in weerarrada lagu howlgaliyay nidaamyada difaaca cirka si looga hortago duullaanada, isagoo ku booriyay dadka deegaanka inay ku nagaadaan goobaha hoyga ilaa weerarka uu dhamaado.
Weerarradan ayaa yimid iyadoo Xukuumadaha Kyiv iyo Washington ay diyaarinayaan kulamo heer sare ah oo looga hadli doono dhameystirka dagaalka Ukraine.