Laba qof oo looga shakisan yahay isku dayga dilka sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka milatariga Ruushka, Sarreeye Gaas Vladimir Alexeyev, ayaa la filayaa in si dhakhso ah su’aalo loo waydiiyo, sida ay warisay warbaahinta Ruushka. Warbixinta ayaa sheegtay in ka dib su’aalaha, lagu soo oogi doono dacwad, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin in la xiray.
Sareeye Gaas Alexeyev, oo ah ku xigeenka madaxa hay’adda sirdoonka milatariga Ruushka, ayaa lagu toogtay dhisme uu degganaa oo ku yaalla magaalada Moscow Jimcihii, waxaana loola cararay isbitaal.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa ku eedeeyay Ukraine inay ka dambeysay isku dayga dilka, balse ma uusan soo bandhigin caddeyn. Ukraine ayaa dhankeeda beenisay ku lug lahaansha weerarka.




