Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay la wareegeen ilaa 5 tuulo oo ku yaalla Waqooyiga Bari ee dalka Ukraine.
Wasaaradda gaashaandhigga ee xukuumadda Moscow ayaa laga soo xigtay in ay guul ka soo hooyatay duullaanka dhanka dhulka ee la sii ballaariyay.
Dhanka kale wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeymo dhanka cirka ah oo uu Ruushku ka gaystay magaalada Vovchansk in lagu burburiyay dhowr guriyo ah.
Hasa ahaate Ukraine ayaan weli xaqiijin in ay jiraan tuulooyin uu Ruushku kala wareegay oo ku yaalla gobolka xuduudeed ee Kharkiv .