Xukuumadda Kyiv ayaa Arbacada maanta ah sheegtay in Ruushka uu weerarkii ugu weynaa ee gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaaday dhulkeeda iyadhoo intaa ku dartay in bartilmaameedsiga ugu weyn uu yahay galbeedka dalka.
Ciidanka Cirka ee Ukraine ayaa sheegay in Ruushka uu soo gamay 728 diyaarad aan duuliyaha lahayn iyo 13 gantaal, iyadoo nidaamyada difaaca hawada ee Ukraine ay qabteen 711 drones, iyo ugu yaraan 7 gantaal.