Waxaa lagu soo warramayaa in la filayo inay kulan yeeshaan la taliyeyaal siyaasadeed oo matalaya dowladaha Ruushka iyo Ukraine.
Shirka ayaa la doonayaa in lagu dejiyo xasaradda sii kordheysa ee u dhexeysa labada dhinac.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka uu maanta ka qabsoomi doono magaalada Paris.
Waxaa sidoo kale ka qayb gelaya dhexdhexaadiyaal ka socdo Faransiiska iyo Jarmalka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Maraykanka uu ku hanjabay inuu falcelin sameyn doono haddii xukuumadda Moscow ay ku duusho Ukraine.
Maamulka madaxweyne Vladimir Putin oo lagu eedeyay inuu ku howlan yahay qorsho arrinkan ku aaddan ayaa dhaliishaasi iska fogeeyay.