Dowladaha Ruushka iyo Belarus ayaa billaabay dhoollatus dhanka hubka nukliyeerka ah oo ay si wadajir ah u fulinayaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in tani ay qayb ka tahay dadaallada ay xukuumadda Moscow dalalka reer galbeedka uga niyad jabinaysa in ay hub ku taageeraan Ukraine oo ay weli ku haysa duullaan militari.
Bishii hore ayay ahayd markii ay dowladda Ruushka shaacisay dhoollatuska ay la kaashanaysa Belarus ka dib markii madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay in uunan meesha ka saari karin suuragalnimada la xiriirta ciidamo ay geeyaan Ukraine.