Ruto oo sheegay in heshiiskii shirkadda Tata Chemicals ee Magadi la joojiyay

0
117

Madaxweynaha dalkani Kenya William Ruto ayaa sheegay in dowladdu qaadatay go’aan sax ah oo lagu soo afjarayo heshiiskii shirkadda Tata Chemicals ee ka shaqaysa deegaanka Magadi ee ismaamulka Kajiado.
Ruto ayaa sheegay in muddo ku dhow 100 sano dadka Kenya, gaar ahaan shacabka Kajiado, aysan helin qaybtooda cadaaladda ah ee faa’iidooyinka laga helay macdanta laga qodo dhulkooda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligaas uu dhammaaday, isla markaana heshiiska dib loo xayeysiin doono si shirkado iyo dhinacyo badan ay uga qayb qaataan fursadaha ka jira Magadi.
Wuxuu intaas ku daray in dowladda aysan mar dambe oggolaan doonin in hal shirkad ay keli ku noqoto hawlaha macdanta ee Magadi, iyadoo dadka deegaanka iyo dhaqaalaha dalka aysan helin faa’iidada ku filan.
Ruto ayaa sidoo kale sheegay in aan la oggolaan doonin in macdanta iyo kheyraadka ceeriin ee Kenya dibadda loo dhoofiyo iyadoo dalka uu helayo faa’iido yar, halka shaqooyinka iyo dhaqaalaha badan lagu abuuro dalal kale.
Shirkadaha heli doona heshiisyada cusub ee Magadi, ayuu sheegay, in laga doonayo inay gudaha Kenya ka sameeyaan warshado farsameeya macdanta, si kheyraadka dalka loogu kordhiyo qiime gudaha ah.
Madaxweynaha ayaa xusay in macdanta Kenya ay tahay inay dalka gudihiisa ka dhaliso dhaqaale, fursado shaqo u abuurto dhalinyarada, isla markaana kobciso warshadaha maxalliga ah, gaar ahaan Kajiado.
Dhanka kale, Ruto ayaa magaalada Kajiado ka bilaabay dhismaha waddada isku xirta Ngong, Kibiko iyo Kangeria, taas oo dhererkeedu yahay 22 kiiloomitir.
Mashruucan oo ku kacaya 1.4 bilyan oo shilin Kenya ah ayaa isku xiri doona Kajiado iyo Kiambu, isagoo Ngong iyo Kibiko ku marinaya Kangeria, kadibna ku sii xirmaya Gikambura oo ka tirsan deegaanka Kikuyu.
Dowladdu waxay sheegtay in waddadani ay fududeyn doonto isu-socodka dadka iyo gaadiidka, isla markaana beeraleyda ka caawin doonto inay si sahlan u gaaraan suuqyada ay wax ku iibiyaan,