Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto ayaa ballanqaaday in hadii 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan uu ku guulaysto xilka hoggaanka uu waajibaad shaqo oo cad siin doono ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maalinka ugu horreysay ee uu xafiiska la wareego uu soo saari doono amar madaxweyne isagoo cuskanaya farqada 21-aad qaybta E ee heshiiska Kenya Kwanza.
Ruto ayaa sheegay in waajibaadka shaqo ee madaxweyne ku xigeenka dalka uunan ku koobnaan doonin keliya caawinta madaxweynaha iyo fulinta shaqooyinka uu u igmado.
Sida ku cad heshiiska isbeheysiga Kenya Kwanza ee uu Ruto hoggaamiyo , waajibaadka shaqo ee madaxweyne ku xigeenka waxaa ka mid ah guddoominta shirarka golaha wasiirrada ,kormeeridda dhaqangelinta go’aannada golaha wasiirrada , iskuduwidda xiriirka ka dhexeya dowladda dhexe iyo ismaamullada, qorsheynta iyo kormeeridda dhaqangelinta mashruucyada horumarineed iyo taageeridda hay’adaha dowliga gaar ahaan arrimaha miisaaniyadda iyo dejinta xeerarka maaliyadeed.