Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta ayaa ka tacsiyeeyay geerida Paul Kihara Kariuki oo hore u soo noqday Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka, kaas oo geeriyooday maanta isagoo 72 jir ah.
Farriimo tacsi ah oo ay si kala gaar ah u soo saareen, labada hoggaamiye ayaa Kariuki ku tilmaamay sharci-yaqaan magac iyo maamuus ku lahaa dalka, isla markaana ahaa shaqaale dowladeed oo dadaal badan, kaas oo muddadii uu xilalka kala duwan hayay door weyn ka qaatay horumarinta hay’adaha sharciga iyo garsoorka Kenya.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay inuu si murugo weyn leh ku helay warka geerida Kariuki, isagoo xusay kaalintii uu ka qaatay horumarinta nidaamka sharciga dalka iyo maamulka cadaaladda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Kariuki lagu xusuusan doono adeeggiisii mudada dheeraa ee waaxda garsoorka iyo xukuumadda, gaar ahaan dadaalkii uu geliyay xoojinta hay’adaha sharciga ee dalka.
Ruto ayaa sidoo kale xusay kaalintii Kariuki ee ahayd aggaasimihii ugu horreeyay ee Machadka Tababarka Garsoorka, halkaas oo uu door muhiim ah ka qaatay horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha garsoorka.
Isagoo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka Kenya, Ruto ayaa tacsi u diray qoyskii uu ka baxay, asxaabtiisa iyo dadkii ay hore u wada shaqeeyeen.
Dhankiisa, madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta ayaa Kariuki ku tilmaamay garsoore caan ah iyo shaqaale dowladeed oo daacad ah, kaas oo muddadii dheerayd ee uu xilalka kala duwan hayay raad muuqda kaga tagay hay’adaha garsoorka iyo kuwa dowladda.
War qoraal ah oo lagu baahiyay Xafiiska Madaxweynihii Afaraad ee Kenya, Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyskii Kariuki, asxaabtiisa iyo dhammaan dadkii jeclaa, kaddib geeridiisa.
Kenyatta ayaa si gaar ah u xusay muddadii uu Kariuki xilka Xeer Ilaaliyaha Guud hayay intii u dhexeysay 2018 iyo 2022, xilligii uu isagu madaxweynaha ahaa, iyo hoggaamintii uu ka soo qabtay Maxkamadda Racfaanka.
Madaxweynihii hore ayaa Alle uga baryay qoyskii uu ka baxay inuu siiyo samir, xoog iyo qalbi qaboojin ay kaga gudbaan murugada geerida.




