Roobab la saadaalinaya in ay ka da’aan Galbeedka iyo Rift Valley

0
399

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynaya in ay roobab culus ka da’aan qaybaha Waqooyiga Galbeed ee gobollada Rift Valley iyo Galbeedka waddanka.
Saadaasha ayaa tilmaamaysa in baaxadda roobabkan ay ka sare mari karto 50 milimitir.
Meelaha ay u badan tahay in ilaa 26-ka bishan ay roobabka xooggan ka da’aan waxaa ka mid ah ismaamullada West pokot, Baringo, Laikipia, Samburu, Transnzoia iyo Elgeyo Marakwet.
Agaasimaha Guud ee waaxda saadaasha hawada ee dalka David Gikungu, ayaa sheegay in meelaha la rajeynaya in ay roobabka culus ka da’aan ay halis ugu jiraan inay ku faafaan cudurrada biyaha iyo nadaafad darrada ka dhasha ee shubanka iyo duumada.
Xanuunnadan ayaa si gaar ah u saameyn karo meelaha aan lahayn biyo-mareenno wanaagsan isagoo dadweynaha ku boorriyay in ay aad u taxadaraan.
Sidoo kale heerkul ka hooseeya 10°C ayaa laga dareemi doonaa Nyahururu, Nyandarua, Kajiado, Tharaka Nithi, Nakuru, Narok, Kericho, Meru, Nyeri, Kirinyaga iyo Murang’a iyadoo meelahan ay halis ugu jiraan xanuunnada neefta,oofwareen ama limooniya iyo hergeb.
Waaxda saadaasha hawada ayaa intaasi ku dartay in heerkulka maalinkii oo kor u dhaafaya 30°C laga dareemi doono gobollada Xeebta, Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed ee dalka.
Agaasimaha Guud ee waaxda saadaasha hawada ee dalka David Gikungu ayaa sheegay in meelaha laga dareemi karo heerkulka ka badan 35°C ay dadka ku nool halis sare ugu jiraan xanuunnada saameeya maqaarka sida cuncunka.