Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynaya in ay roobab culus ka da’aan buuralayda Bartamaha wadanka , gobollada Galbeedka , Rift Valley iyo Xeebta.
Waxay waaxdu intaasi ku dartay in fatahaado ay ka dhalan karaan roobabkan .
Dhanka kale , shacabka ku nool ismaamullada Turkana, Marsabit, Mandera, Wajeer, Isiolo, Garissa, Tana River, Lamu, Kilifi, Mombasa iyo Kwale ayaa lagula taliyay in ay badsadaan cabidda biyaha maadaama heerkulka maalinkii ee dowlad deegaannadan uu isku celcelis ahaan sare u dhaafaya 30°C.
Sidoo kale gobollada Xeebta iyo Waqooyi Bari waxaa heerkulka habeenkii la filayaa inuu sii ahaado mid ka sarreeya 25°C.
Saadaashan oo ah toddobo cishe ayaa shaqeyn doonto inta u dhexeysa maanta ilaa 8-da bishan Afaraad ee April oo ku beegan Isniinta dambe.
Qaybo badan oo dalka ka mid ah ayaa laga dareemaya roobabka muddada dheer socda ee inta badan da’a laga billaabo bartamaha bisha Saddexaad ilaa bisha Shanaad ee sanad kasta.