Raila oo dhaliilay madaxda kaniisadaha

0
246

Madaxa isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa dhaliil u jeediyay qaar ka mid ah hoggaamiyaasha kaniisadaha.
Waxaa uu sheegay inay ka gaabiyeen ka hadalka caddaalad darro uu Mr. Odinga qabo inay ka jirto gudaha dalka.
Xilli uu shalay ku sugnaa deegaanka Bondo ee ismaamulka Siaya ayuu Raila dhaliilay qaar ka mid ah baadariyaasha oo qayb ka ahaa tallaabadii uu guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati 15-kii bishii Sideedaad ku shaaciyay natiijadii doorashada ee uu qaadacay Mr. Odinga.